Axad 04.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 422 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 79 396 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 753 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa 62 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 172 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 44 qof, iyo gobolka Kymenlaakso oo laga helay 23 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 63 | Naantali | 2 |
Espoo | 44 | Pornainen | 2 |
Vantaa | 36 | Kuopio | 2 |
Turku | 29 | Salo | 2 |
Kotka | 14 | Kustavi | 2 |
Vaasa | 7 | Loviisa | 1 |
Lappeenranta | 6 | Hyvinkää | 1 |
Tampere | 6 | Parikkala | 1 |
Jyväskylä | 6 | Laukaa | 1 |
Lahti | 6 | Närpiö | 1 |
Kouvola | 6 | Muurame | 1 |
Nurmijärvi | 5 | Eurajoki | 1 |
Oulu | 5 | Jämsä | 1 |
Forssa | 3 | Raasepori | 1 |
Tuusula | 3 | Joutsa | 1 |
Hamina | 3 | Riihimäki | 1 |
Raisio | 3 | Pudasjärvi | 1 |
Sipoo | 3 | Pirkkala | 1 |
Porvoo | 2 | Säkylä | 1 |
Kauniainen | 2 | Somero | 1 |
Kerava | 2 | Savonlinna | 1 |
Rovaniemi | 2 | Masku | 1 |
Koski Tl | 2 | Järvenpää | 1 |
Joensuu | 2 | Karkkkila | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 41 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 973 876 oo qof (04.04)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay | 44 429 275 | 131 468 234 |
Tirada u dhimatay feyruska | 967 401 | 2 861 275 |
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS