Jimce 01.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 296 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 403 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 133 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 78 qof, Vantaa: 21 qof, Espoo: 19 qof, Oulu: 19, Turku: 17 qof, Jyväskylä:15 qof, Lahti: 9 qof, Kitee: 9 qof, Kempele: 9 qof, Tampere: 6 qof, Mustasaari: 6 qof, Vaasa: 5 qof, Kouvola: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Joensuu: 4 qof, Salo: 4 qof, Kerava: 4 qof, Lapeenranta: 4 qof, Lohja: 4 qof, Imatra: 4 qof, Kuopio: 4 qof, Tornio, Hamina, Rovaniemi, Raisio oo min 3 qof laga helay. Kotka iyo Muuramme oo min 2 qof laga helay, iyo magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
26 554 696 | 83 921 904 |
574 110 | 1 828 063 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |