Arbaca 19.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 289 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 687 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 889 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay181 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 25 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 15qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 80 |
Vantaa | 38 |
Espoo | 34 |
Kokkola | 12 |
Lahti | 11 |
Tampere | 9 |
Turku | 8 |
Vihti | 7 |
Kotka | 5 |
Kouvola | 6 |
Salo | 5 |
Pietarsaari | 3 |
Salo | 3 |
Raisio | 5 |
Kannus | 5 |
Hämeenlinna | 5 |
Kerava | 4 |
Hollola | 4 |
Jyväskylä | 4 |
Järvenpää | 3 |
Eura | 3 |
Tuusula | 3 |
Hyrynsalmi | 3 |
Nurmijärvi | 3 |
Mikkeli | 2 |
Hyvinkää | 2 |
Oulu | 2 |
Sipoo | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 148 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 26 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 929 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 19.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 161 597 oo qof (19.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 164 995 012 | 52 239 909 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 421 347 | 1 112 721 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 749 662 | 47 536 144 |
Tirada u dhimatay feyruska | 127 237 | 620 220 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |