Sabti 01.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 288 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 096 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 463 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay116 qof, gobolka Päijät-Häme oo laga helay 63 qof , gobolka Pirkanmaa oo laga helay 39 qof , iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 17 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 55 |
Lahti | 48 |
Espoo | 23 |
Tampere | 20 |
Oulu | 10 |
Turku | 8 |
Orimattila | 8 |
Salo | 7 |
Jämsä | 7 |
Janakkala | 7 |
Hollola | 6 |
Mäntsälä | 5 |
Porvoo | 5 |
Vantaa | 4 |
Lohja | 4 |
Kirkkonummi | 4 |
Pornainen | 4 |
Vihti | 3 |
Kuopio | 3 |
Vaasa | 3 |
Kangasala | 3 |
Hämeenlinna | 3 |
Hattula | 3 |
Jyväskylä | 3 |
Ylöjärvi | 3 |
Järvenpää | 2 |
Seinäjoki | 2 |
Kotka | 2 |
Hyvinkää | 2 |
Pori | 2 |
Lempäälä | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 914 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 692 571 oo qof (01.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 152 550 679 | 50 270 069 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 200 56 | 1 067 943 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 597 346 | 39 515 140 |
Tirada u dhimatay feyruska | 122 103 | 520 757 |
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS