Talaada 29.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 283 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 35 420 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 144 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo 60 qof ah, iyo Gobolka Pirkanmaa oo 22 qof ah.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 83 qof, Turku: 33 qof, Vantaa: 23 qof, Espoo: 19 qof , Parainen: 8 qof, Oulu: 7 qof, Jyväskylä: 7 qof, Lahti: 6 qof, Tampere: 6 qof, Hämeenlinna: 5 qof, Hyvinkää: 5 qof, Nokia: 4 qof, Virrat: 4 qof, Järvenpää: 3 qof, Sipoo: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Kotka: 3 qof, Ylöjärvi: 3qof, Kerava: 3 qof, Lieto: 3 qof, Vaasa: 3 qof, iyo inta soo hartay ee magaalooyinka kale oo min laba qof iyo min hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 221 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana toddoba maalmood gudahood tirada qaybta gargaarka degdegga ah u baahan ku so korortay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 550 qof, kaddib markii ay feyruska korona awgiis u dhinteen 4 qof oo hor leh sida ay maanta sheegtay hay’adda THL.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
25 724 587 | 81 733 053 |
554 564 | 1 782 992 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |