Sabti 19.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 271 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 32 853 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 46 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 171 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 87 qof laga helay, iyo Etelä-Savo oo 20 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 75 , Vantaa: 54 tartuntaa, Espoo: 28, Turku: 16, Jyväskylä: 14, Salo: 10, Pieksämäki: 7, Oulu: 6, Kaarina: 5, Raisio: 4, Tampere: 3, Naantali: 3, Pori 2 , Loimaa: 2, Kuopio: 2, Kotka: 2, Kouvola: 2, Maarianhamina: 2, Kangasniemi: 2, Vaasa: 2, Nurmijärvi: 2, Hämeenlinna: 2 tartuntaa
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 263 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 489 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
23 578 923 | 76 100 149 |
Tirada u dhimatay feyruska |
510 515 | 1 683 224 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS