Arbaca 05.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 269 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 798 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 001 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay159 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 45 qof , iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 18qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 65 |
Vantaa | 35 |
Espoo | 19 |
Salo | 18 |
Turku | 14 |
Tampere | 12 |
Oulu | 10 |
Järvenpää | 9 |
Lahti | 6 |
Vihti | 6 |
Hämeenlinna | 5 |
Kerava | 4 |
Porvoo | 4 |
Hyvinkää | 3 |
Kouvola | 3 |
Raisio | 3 |
Karkkila | 3 |
Tuusula | 3 |
Lappeenranta | 3 |
Mäntsälä | 2 |
Nakkila | 2 |
Imatra | 2 |
Lohja | 2 |
Naantali | 2 |
Nokia | 2 |
Parainen | 2 |
Siilinjärvi | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 130 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 24 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 918 qof, kaddib markii hay’ada THL ay sheegtay maanta dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 23 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.04).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 764 405 oo qof (05.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 155 075 526 | 50 764 733 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 243 443 | 1 078 130 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 627 444 | 41 444 902 |
Tirada u dhimatay feyruska | 123 210 | 541 327 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|