JImco 07.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 254 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 332 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 988 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay112 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 76 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 17qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 70 |
Salo | 37 |
Turku | 24 |
Espoo | 23 |
Lahti | 13 |
Tampere | 11 |
Vihti | 5 |
Rauma | 5 |
Kokkola | 4 |
Tuusula | 4 |
Nurmijärvi | 4 |
Kangasala | 3 |
Masku | 3 |
Uusikaupunki | 3 |
Nokia | 2 |
Parainen | 2 |
Harjavalta | 2 |
Kirkkonummi | 2 |
Kauniainen | 2 |
Järvenpää | 2 |
Oulu | 2 |
Mäntsälä | 2 |
Lapinjärvi | 2 |
Raiso | 2 |
Maarianhamina | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 133 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 922 qof, kaddib markii hay’ada THL ay sheegtay maanta dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 869 566 oo qof (07.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 156 827 756 | 51 069 816 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 272 484 | 1 084 657 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 649 056 | 42 485 285 |
Tirada u dhimatay feyruska | 123 937 | 552 523 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|