Finland waxaa laga helay maanta 249 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho hor leh ah
Khamiis 31.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 249 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 107 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 49 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 131 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 45 qof ah iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 28 qof ah.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 82 qof, Vantaa: 24 qof, Turku: 19 qof, Espoo: 17 qof, Salo: 7 qof, Uusikaupunki: 5 qof, Raiso: 5 qof, Jyväskylä: 5 qof, Kotka: 4 qof, Järvenpää: qof, Tornio: 3qof, Kuopio: 3 qof, Ikaalinen: 2 qof, Kaarina: 2 qof, Lahti: 2 qof, Varkaus: 2 qof, Tampere: 2 qof, Lappeenranta: 2 qof, Joensuu: 2 qof, Hämeenlinna: 2 qof, Kempele: 2 qof, Kouvola: 2 qof, Kerava: 2 qof, Savonlinna: 2 qof, Parainen:2 qof, Loimaa: 2 qof. Magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof, Kaddib markii maanta ay hay’adda THl sheegtay 5 qof oo hor leh oo u dhantay feyruska korona dalkaan Finland.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
26 267 716 | 83 195 459 |
568 654 | 1 814 955 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |