Axad 24.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 246 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 42 580 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 48 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 117 qof, gobolka Pohjois-Savo oo laga helay 26 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 22 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 64 qof, Espoo: 24 qof , Kuopio: 20 qof, Jyväskylä: 17 qof, Oulu: 16 qof, Vantaa: 15 qof, Turku: 10 qof, Tampere: 9 qof, Vöyri: 4 qof, Siilinjärvi: 4 qof, Joensuu: 4 qof, Tuusula: 3 qof , Valkekakoski: 3 qof, Tyrnävä: 3 qof, Laukkaa: 3 qof, Hämeenlinna: 3 qof, Hyvinkää: 2 qof, Porvoo: 2 qof, Askola: 2 qof, Naantali: 2 qof, Sastamala: 2 qof, Vaasa: 2 qof, Lahti: 2 qof, Kouvola: 2 qof, Kotka: 2 qof, Leppävirta: 2 qof, Pori 2 qof, iyo inta kale ee soo hartay magaalooyinka qaarkood oo min hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 644 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta,Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
31 939 338 | 99 428 772 |
697 155 | 2 132 298 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |