Isniin 01.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 244 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 45 482 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 43 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 159 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 30 qof, iyo Vaasa oo laga helay 10 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 56 qof, Vantaa: 42 qof , Espoo: 32 qof, Turku: 21 qof, Vaasa: 8 qof, Järvenpää: 6 qof, Tampere 5 qof, Oulu: 5 qof, Kerava: 5 qof, Magaalooyinka kala ah: Kuopio, Kaarina, Savonlinna, Rauma iyo Porvoo oo laga helay min 4 qof, magaalooyinka kala ah: Tornio iyo Tuusula oo min 3 qof laga helay, iyo magaalooyinka kala ah: Jyväskylä, Vieremä, Hyvinkää, Kauniainen, Nurmijärvi, Kotka, Lahti, Sipoo iyo Loimaa oo min 2 qof laga helay. Inta soo hartay ee magaalooyinka kale ahna waa min 1 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 135 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 17 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 677 qof, kaddib markii ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga sheegtay maanta in 6 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 144 520 qof (30.1).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
33 413 118 | 103 594 715 |
738 850 | 2 239 275 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |