Axad 16.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 227 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 105 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 877 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay110 qof, gobolka Keski-Pohjanma oo laga helay 24 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 19qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Espoo | 32 |
Helsinki | 30 |
Vantaa | 28 |
Kokkola | 16 |
Lahti | 13 |
Kouvola | 10 |
Raisio | 9 |
Hämeenlinna | 7 |
Kannus | 7 |
Turku | 6 |
Kotka | 4 |
Järvenpää | 4 |
Orimattila | 4 |
Oulu | 4 |
Janakkala | 3 |
Eura | 3 |
Riihimäki | 3 |
Vihti | 3 |
Kerava | 3 |
Porvoo | 3 |
Pöytyä | 3 |
Pornainen | 2 |
Tuusula | 2 |
Lappeenranta | 2 |
Ii | 2 |
Mikkeli | 2 |
Tampere | 2 |
Hollola | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 931 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 105 016 oo qof (16.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 160 505 013 | 52 014 404 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 334 420 | 1 107 001 |
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS