Talaada 12.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 221 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 011 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 31 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 144 qof, Gobollada kala ah Varsinais-Suomi iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay midkiiba 19 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 73 qof, Espoo: 30 qof, Vantaa: 28 qof, Oulu: 18 qof, Turku: 16 qof, Kajaani: 14 qof, Sipoo: 6 qof, Ilomantsi: 5 qof, Rovaniemi: 3 qof, Kurikka. 3qof, Järvenpää, Kauhuva, Tuusula iyo Lahti oo min 2 qof laga helay, iyo inta soo hartay magaalooyinka kale oo min hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 158 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 602 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in Isniintii la soo dhaafay kaddib illaa iyo maanta ay feyruska korona u dhinteen 5 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa,iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo , Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala iyo Kainuu.
Heerka hoose: Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
29 204 834 | 91 414 779 |
626 068 | 1 955 773 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |