Arbaco 26.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 220 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 964 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 754 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay126 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 82 |
Vantaa | 24 |
Espoo | 22 |
Tampere | 18 |
Mikkeli | 6 |
Turku | 3 |
Lappeenranta | 3 |
Oulu | 3 |
Savonlinna | 3 |
Hämeenlinna | 3 |
Nurmijärvi | 3 |
Jyväskylä | 3 |
Kirkkonummi | 3 |
Lempäälä | 3 |
Imatra | 3 |
Hyvinkää | 2 |
Virolahti | 2 |
Kouvola | 2 |
Joensuu | 2 |
Kokkola | 2 |
Orimattila | 2 |
Raisio | 2 |
Varkaus | 2 |
Kalajoki | 2 |
Kotka | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 101 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 18 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 946 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 4 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 642 oo qof, kuwaasoo 6 259 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 296 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 67, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 26.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 345 128 oo qof (26.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 168 837 327 | 52 385 357 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 505 876 | 1 125 328 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 821 481 | 50 044 385 |
Tirada u dhimatay feyruska | 129 382 | 662 641 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 39 568 748 | 27 995 594 |
Tirada u dhimatay feyruska | 887 020 | 760 235 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |