Talaada 19.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 217 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 40 722 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 81 qof, gobolka Varsinais-suomi oo laga helay 40 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 22 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 28 qof, Espoo: 24 qof, Vantaa: 20 qof ,Oulu: 17 qof, Laitila: 16 qof, Turku: 15 qof, Seinäjoki: 14 qof, Vaasa: 9 qof, Tampere: 7 qof, Kouvola: 4 qof, Kajaani: 4 qof, Lahti: 3 qof, iyo magaalooyinka kala ah: Pori, Hämeenlinna, Kaustinen, Kaarina, Tuusula, Kotka, Kempele, Kirkkonummi, Petäjävesi, Uusikaupunki, iyo Valkeakoski oo min 2 qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 633 qof, kaddib markii ay maanta sheegtay hay’adda THL 12 xaalaood oo dhimasho hor leh dalkaan Finland.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
30 865 225 | 96 070 755 |
664 704 | 2 051 319 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |