Khamiis 29.4.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 208 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 86 613 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 360 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 51 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay107 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof , iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 19 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 43 |
Vantaa | 25 |
Espoo | 16 |
Oulu | 13 |
Turku | 13 |
Kerava | 8 |
Salo | 8 |
Lappeenranta | 7 |
Tampere | 7 |
Janakkala | 4 |
Vaasa | 3 |
Lieto | 3 |
Raahe | 3 |
Porvoo | 3 |
Riihimäki | 3 |
Nakkila | 3 |
Kaarina | 3 |
Pori | 2 |
Hyvinkää | 2 |
Mäntsälä | 2 |
Jyväskylä | 2 |
Paimio | 2 |
Kauniainen | 2 |
Raiso | 2 |
Järvenpää | 2 |
Kirkkonummi | 2 |
Karvia | 2 |
Siilinjärvi | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 125 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 32 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 913 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida 2qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 30 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 597 841 oo qof (29.04).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 150 341 241 | 49 908 190 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 166 947 | 1 060 888 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 572 189 | 38 482 222 |
Tirada u dhimatay feyruska | 121 452 | 510 302 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|