Jimce 25.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 201 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 648 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 40 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 127 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Vantaa: 34 qof, Espoo: 23 qof, Turku: 8 qof, Tampere: 8 qof, Oulu: 5 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Lappeenranta: 4 qof, Lahti:4 qof, Virrat: 4 qof, Nurmijärvi: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Kouvola: 3 qof, Lieto: 2 qof, Kotka: 2 qof, Jyväskylä: 2 qof, Maarianhamina: 2 qof, Riihimäki: 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
24 987 901 | 79 835 019 |
Tirada u dhimatay feyruska |
539 999 | 1 751 452 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS