Isniin 11.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 200 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 790 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 43 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 82 qof, Gobollada kala ah Varsinais-Suomi iyo Vaasa oo laga helay midkiiba 14 qof, iyo Gobolka Pirkanmaa oo 12 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 64 qof, Vantaa: 21 qof, Turku: 13 qof, Oulu: 10 qof, Espoo: 9 qof, Tampere: 9 qof, Hämeenlinna: 7 qof, Vaasa: 7 qof, Lahti: 5 qof, Nurmijärvi, Kuopio: 4 qof, Ilomantsi, Kotka, Jyväskylä, Lappeenranta, Kouvola: oo min 3 qof, iyo magaalooyinka Pori, Järvenpää, Laihia, Kerava iyo Tornio oo min 2 qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 166 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 32 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 597 qof, kadib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 11 qof oo hor leh oo dhintay.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa,iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo , Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
28 981 231 | 90 777 737 |
621 585 | 1 944 825 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |