Jimco 30.4.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 195 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 86 808 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 175 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 54 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay116 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 26 qof , iyo gobolka Etelä-Karjala oo laga helay 16 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 46 |
Espoo | 29 |
Imatra | 16 |
Vantaa | 13 |
Turku | 10 |
Salo | 7 |
Kirkkonummi | 7 |
Kerava | 6 |
Hyvinkää | 5 |
Oulu | 4 |
Hämeenlinna | 4 |
Marttila | 3 |
Liminka | 3 |
Laitila | 3 |
Tampere | 3 |
Raisio | 2 |
Seinäjoki | 2 |
Janakkala | 2 |
Kauniainen | 2 |
Pietarsaari | 2 |
Järvenpää | 2 |
Tornio | 2 |
Porvoo | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 914 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida Hal qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 28 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 664 774 oo qof (30.04).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 151 578 975 | 50 103 517 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 184 990 | 1 064 553 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 587 788 | 38 994 945 |
Tirada u dhimatay feyruska | 121 848 | 515 518 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|