Isniin 25.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 192 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 42 772 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 128 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 24 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 14 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Espoo: 28 qof ,Vantaa: 25 qof, Turku: 15 qof, Oulu: 12 qof, Kouvola: 4 qof, Kaarina: 4 qof, Laittila: 4 qof, Kolari: 3 qof, Nurmijärvi: 3 qof, Vihti: 2 qof, Lohja: 2 qof, Gobolka Pirkanmaa: 2 qof, Kanta-Häme: 2 qof, Pohjois-Savo: 3 qof, Etelä-Savo: 3 qof, Pohjois-Karjala: 2 qof, Satakunta: 2 qof. Inta soo hartay ee magaalooyinka oo min hal qof ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 131 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 655 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 11 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta,Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
32 084 661 | 99 81 308 |
700 468 | 2 141 316 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |