Sabti 16.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 190 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 40 101 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 91 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 33 qof, iyo Pirkanmaa oo laga helay 11 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 44 qof, Vantaa: 25 qof, Turku: 15 qof, Espoo: 20 qof, Tampere: 10 qof, Raiso: 7 qof, Oulu: 7 qof, Kuopio: 4 qof, Kouvola: 4 qof, Alavus: 3 qof, iyo magaalooyinka Kaarina, Tornio, Lahti, Pori, Uusikaupunki, Riihimäki, Seinajoki, Mustasaari, Imatra, Vaasa, Petäjävesi, Lappeenranta, Hyvinkää, Pöytyä iyo Siilinjärvi oo min 2 qof laga helay. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 145 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 618 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista).
Heerka hoose: Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
30 252 185 | 94 414 806 |
652 039 | 2 020 119 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |