Jimco 28.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 182 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 244 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 558 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 58 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 27 |
Espoo | 18 |
Lahti | 15 |
Vantaa | 13 |
Tampere | 12 |
Hämeenlinna | 10 |
Turku | 5 |
Janakkala | 5 |
Forssa | 4 |
Oulu | 3 |
Kotka | 3 |
Kouvola | 3 |
Nurmijärvi | 3 |
Heinola | 3 |
Seinäjoki | 3 |
Hattula | 2 |
Tuusula | 2 |
Hollola | 2 |
Pori | 2 |
Pietarsaari | 2 |
Kärkölä | 2 |
Tammela | 2 |
Rauma | 2 |
Savonlinna | 2 |
Jyväskylä | 2 |
Laihia | 2 |
Hyvinkää | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 107 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 20 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 948 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 405 122 oo qof (28.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 169 738 686 | 52,5 milyan |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 527 327 | 1,1 milyan |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4,8 milyan | 50,3 milyan |
Tirada u dhimatay feyruska | 129 912 | 668 075 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 39,6 milyan | 28,3 milyan |
Tirada u dhimatay feyruska | 889 980 | 767 998 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |