Finland waxaa laga helay maanta 173 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Sabti 26.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 173 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 821 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 98 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 16 qof ah iyo gobolka Pirkanmaa oo ah 13 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 51 qof, Espoo: 27 qof , Vantaa: 11 qof, Tampere: 9 qof Turku: 8 qof, Lahti: 6 qof, Brändö: 3 qof, Maarinahamina: 3 qof, Lapinlahti: 2 qof, Jyväskylä: 2 qof, Lappeenranta: 2 qof, Jämsä: 2 qof, Kolari: 2 qof, Outokumpu: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Kirkkonummi: 2 qof, Kerava: 2 qof, Imatra: 2 qof, kaarina: 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
25 189 924 | 80 255 705 |
Tirada u dhimatay feyruska |
544 354 | 1 758 590 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS