Isniin 18.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 168 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 40 505 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 38 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 125 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 17 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga heöay 16 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 39 qof, Espoo: 17 qof, Oulu: 14 qof, Vantaa: 14 qof, Turku : 9 qof, Kuopio: 7 qof, Kouvola: 7 qof, Tampere: 7 qof, Magaalooyinka kala ah: Jyväskylä, Mänttä-Vilppula, Valkeakoski, Kaarina iyo Pietersaari oo min 4 qof laga helay, sidoo kale magaalooyinka kala Kotka iyo Lahti: oo min 3 qof laga helay. Magaalooyinka kala ah: Riihimäki, Lappeenranta, Tuusula, Järvenpää, iyo Nurmijärvi: waxaa laga helay min 2 qof, inta kale ee magaaloyinka soo harayna waa min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 145 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 618 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
30 609 511 | 95 578 662 |
660 619 | 2 041 706 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |