Axad 03.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 168 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 772 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 98 qof, gobolka Keski-Suomi oo 16 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 12 qof ah.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 56 qof, Vantaa: 18 qof, Jyväskylä: 13 qof, Espoo: 12 qof, Turku: 7 qof, Oulu: 6 qof, Kempele: 5 qof, Lahti: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Tampere: 3 qof, Ikaalinen: 3 qof, Kotka: 3 qof, Järvenpää: 2 qof, Nurmijärvi: 2 qof, Kouvola: 2 qof, Kajaani: qof, Mustasaari: 2 qof, yo inta kale ee soo hadhay magaalooyinka oo min hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
26 985 325 | 85 031 519 |
581 292 | 1 844 792 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |