Isniin 28.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 160 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 35 137 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 89 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 35 qof.
Laba toddobaad gudahood waxaa tirada feyruska laga helay ay tahay 4 027, taasoo 2 171 qof ka yar tiradii labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 42 qof, Turku: 19 qof, Espoo: 17 qof , Vantaa: 17 qof, Kaarina: 9 qof, Lahti: 8 qof, Jyväskylä: 5 qof, Tampere: 4 qof, Pori: 3 qof, Lohja: 3 qof, Nurmijärvi: 3 qof.
Naantali, Ii, Kirkkonummi, Oulu, Kuopio, Tuusula, Sipoo, Raisio: Oo dhammaantood laga helay min 2 qof.
Lieto, Salo, Kerava, Tornio, Kotka, Evijärvi, Pyhäntä, Hamina, Laukaa, Muhos,Vaasa, Pieksämäki, Joensuu: oo dhammaantood laga helay min 1 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 237 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 546 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ay maanta sheegtay 22 xaaladood oo dhimasho hor leh.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
25 535 400 | 81 193 597 |
Tirada u dhimatay feyruska |
550 055 | 1 737 080 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
18 | K/Afrika | 1,00 milyan | 9 502 | 214 | 26 735 |
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS