Jimco 14.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 154 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 89 686 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 878 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 41 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 90 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 21 qof, iyo gobolka Keski-Pohjanmaa oo laga helay 11qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 29 |
Vantaa | 28 |
Espoo | 19 |
Raisio | 8 |
Eura | 7 |
Kokkola | 7 |
Turku | 5 |
Salo | 4 |
Lappeenranta | 3 |
Kotka | 3 |
Mikkeli | 3 |
Tampere | 3 |
Hyvinkää | 3 |
Oulu | 4 |
Järvenpää | 3 |
Kouvola | 3 |
Lahti | 2 |
Inkoo | 2 |
Järvenpää | 2 |
Kannus | 2 |
Haapajärvi | 2 |
Oulu | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 931 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta sheegtay dhimashada hal qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 031 941 oo qof (14.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 161 923 385 | 51 828 641 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 360 908 | 1 102 543 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 708 638 | 45 697 456 |
Tirada u dhimatay feyruska | 125 938 | 591 985 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |