Isniin 04.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 147 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 919 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 38 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 73 qof, gobolka Varsinais-Suomioo 24 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 11 qof ah.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 53 qof, Turku: 18 qof, Oulu: 9 qof, Vantaa: 7 qof, , Espoo: 5 qof, Lahti: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Tuusula: 4 qof, Tampere: 3 qof, Rovaniemi: 3 qof, Mynämäki: 3 qof, Hamina, Imatra, Vaasa, Kerava, Kotka oo magaaladiiba 2 qof laga helay, iyo inta kale oo soo hadhay oo min hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 31 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 565 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ay sheegtay dhimashada 4 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
27 128 145 | 85 577 532 |
583 331 | 1 852 346 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |