Arbaco 09.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 126 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 394 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 68 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 44 qof, gobolka Päijät-Häme oo laga helay 28 qof iyo gobolka Keski-Suomi oo laga helay 18 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Lahti | 22 |
Espoo | 15 |
Askola | 13 |
Jyväskylä | 13 |
Turku | 9 |
Sipoo | 5 |
Lapua | 4 |
Oulu | 4 |
Kerava | 4 |
Vantaa | 4 |
Forssa | 3 |
Vaasa | 3 |
Kotka | 3 |
Laukkaa | 3 |
Tornio | 3 |
Orimattila | 3 |
Kirkkonummi | 2 |
Joensuu | 2 |
Akaa | 2 |
Hämeenlinna | 2 |
Mustasaari | 2 |
Lappeenranta | 2 |
Tuusula | 2 |
Pori | 2 |
Kangasala | 2 |
Salo | 2 |
Rauma | 2 |
Kouvola | 2 |
Hanko | 2 |
Lapinjärvi | 2 |
Tammela | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 58 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta dhimashada 5 qof oo hor leh..
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 393 oo qof, kuwaasoo 6 883 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 367 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 141 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 690 000 oo qof (09.06).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 174 809 337 | 53,2 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 764 313 | 1,1 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 991 358 | 52 758 035 |
Tirada u dhimatay feyruska | 133 382 | 718 199 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 40 028 497 | 29 917 973 |
Tirada u dhimatay feyruska | 903 645 | 924 623 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS