Jimco 04.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 125 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 038 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 1 881 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 29 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 91 qof, Gobollada kale waxaa tirada laga helay ay ka hooseysay 10 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Vantaa | 35 |
Helsinki | 32 |
Espoo | 8 |
Turku | 8 |
Kerava | 6 |
Järvenpää | 3 |
Mikkeli | 3 |
Forssa | 3 |
Tampere | 3 |
Hämeenlinna | 2 |
Sipoo | 2 |
Loviisa | 2 |
Tuusula | 2 |
Lahti | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 67 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 959 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 30 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 931 oo qof, kuwaasoo 6 518 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 319 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 67 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 02.06).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2, 6 milyan oo qof (04.06).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 173 081 993 | 52,9 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 720 842 | 1,1 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 923 897 | 51 904 196 |
Tirada u dhimatay feyruska | 131 879 | 699 083 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 39 906 081 | 29 320 379 |
Tirada u dhimatay feyruska | 900 833 | 907 919 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS