Finland waxaa laga helay maanta 103 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 16.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 103 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 94 026 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 37 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 19
Vantaa 14
Tampere 12
Imatra 5
Kitee 5
Turku 4
Paimio 3
Hämeenlinna 3
Savonlinna 2
Sipoo 2
Kouvola 2
Lappeenranta 2
Jyväskylä 2
Pirkkala 2
Sauvo 2
Heinola 2
Virolahti 2
Kajaani 2
Nurmijärvi 2
Säkylä 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 43 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  12 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 660 oo qof, kuwaasoo 7 067 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 377 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 213 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 23nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 890 000 oo qof (11.06). labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 744 914 oo qof.

Xigasho:YLE, HS