JImce 27.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 619 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 23 766 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 85 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusi maa oo laga helay 352 qof. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (184), Espoo (69), Oulu (63), Vantaa (48), Alajärvellä (28).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 152 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 19 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay feyruska korona awgiis u dhintay dalkaan Finland 5 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland ka dhigaysa 393 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
17 393 562 | 61 079 658 |
Tirada u dhimatay feyruska |
394 640 | 1 433 521 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho: YLE,HS,Worldmeters |