Isniin 01.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 550 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 25 462 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 83 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 178 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Pirkanmaa oo 119 qof ah, kaalinta saddexaadna waa gobolka Päijät-Häme oo 63 qof ah iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 50 qof ah. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (97), Espoo (27), Vantaa (39), Tampere (68), Lähti (53), Jyväskyla (33), Oulu (21), Turku (30), Pirkkala (14), Lempäälä (12), Joensoo (11)Parkano (8), Hollola (6), Salo (6) Kotka (6), Alajärvi(6), Kangasgala (5), Rovaniemi (5), Seinäjoki (4), Nokia (4), Raisio (4), Ylöjärvi (4), Hämeenlinna (4), Läppäjärvi (4),Kangasnimei (4), .
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 175 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada bukaanka isbitaalka ku soo kordhay 23 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland ay maraysaa 399 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
18 202 600 | 63 245 714 |
Tirada u dhimatay feyruska |
413 296 | 1 469 469 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: YLE,HS,Worldmeters