Sabti 28.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 541 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 24 307 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 83 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 261 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 65 qof ah, kaalinta saddexaadna waa gobolka Varsinais-Suomi oo 47 qof ah. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (130), Espoo (54), Oulu (48), Vantaa (43), Tampere (26), Salo (19), Lahti (18), Turku (16), Kouvola (14), Jyväskylä (12), Joensuu (9), Kerava (5), Nurmijärvi (5), Hyvinkää (5), Kotka (5), Yivieska (5), Lempäälä, Riihimäki, Parkano, Porvoo, Kajaani, Hämeenlinna (min 4 qof).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 152 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 19 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada bukaanka isbitaalka ku soo kordhay 39 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland tahay 393 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
17 645 728 | 61 715 660 |
Tirada u dhimatay feyruska |
400 949 | 1 444 235 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho: YLE,HS,Worldmeters | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||