Khamiis 03.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 540 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 26 422 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 79 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 308 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Varsinais-Suomi oo 48 qof, iyo kaalinta saddexaad oo ah gobolka Päijät-Hame, waxaana laga helay 41 qof. Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (175), Vantaa (49), Espoo (44), Turku (31), Lahti (31), Oulu (24), Karvia (12), Tampere (9), Nurmijärvi (8), Jyväskylä (7), Kerava (5), Tuusula (5), Kirkkonummi (4), Hollola (4), Pohjois-savo (5), Hämeenlinna (5), Kotka (5), Kouvola (4), Etelä-Pohjanmaa (5), Etelä-Savo (10), Rovaniemi (5), Pohjois-karjala (6).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 165 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 3 qof. Tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland ayaa ah 408 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
18 643 496 | 64 948 823 |
Tirada u dhimatay feyruska |
425 619 | 1 501 535 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: YLE,HS, WORLDOMETERS