Jimce 11.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 501 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 30 073 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 1400 oo qof ayaa ku darsantay, tiradii labadii toddobaad ee ka sii horraysay.
Iskudarka guud illaa iyo 77 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 268 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 89 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 30 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (126), Vantaa (51), Espoo (49), Nurmjärvi (14), Tampere (13), Jyväskylä (13), Oulu (11), Joensuu (8), Hämeenlinna (7), Kirkkonummi (7), Kaarina (6), Valkeakoski (6), Salo-Alajärvi- Naantali- Pori- Lempäälä-Raiso- Pieksämäki (4),
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki Uusimaa, Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme Pikanmaa, Keskis-Suomi iyo gobolka Pohijois-Pohjanmaa.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 240 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) ayaa maanta sheegtay in 11 qof oo hor ay dhinteen shalay, taasoo tirada dhimashada feyruska korona tan iyo markii uu cudurka safmarka ah ka bilowday Finland ka dhigaysa 453 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tirada dhimashada waxaa ku soo kordhay 49 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
20 338 377 | 70 848 104 |
Tirada u dhimatay feyruska |
465 835 | 1 591 266 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: YLE,HS,WORLDOMETERS