Finland waxaa laga helay 420 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah iyo 9 dhimasho oo cusub
Arbaca 02.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 420 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 25 882 qof.
Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 256 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Varsinais-Suomi oo 28 qof iyo kaalinta saddexaad oo ku jira gobolka Pirkanmaa, waxaana laga helay 28 qof. Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (130), Vantaa (53), Espoo (41), Oulu (20), Tampere (15), Turku (14), Lahti (12), Karvia (9), Kouvola (7), Nurmijärvi (5), Kerava (5),Jyväskylä (5), Rautalampi (5), Piekämäki (5), Kangasniemi (4), Honkajoki (4).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 165 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 3 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa u dhintay feyruska korona awgiis dalkaan Finland 9 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland ka dhigeysa 408 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
18 411 059 | 63 822 255 |
Tirada u dhimatay feyruska |
419 786 | 1 482 550 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: YLE,HS,Worldmeter