Axad 06.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 413 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 27 631 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 239 qof, iyo gobollada Varsinais-Suomi iyo Pohjos-Pohjanmaa oo laga helay mid kastaa 47 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (122), Vantaa (54), Oulu (38), Espoo (33), Turku (24), Lahti (11), Salo (9), Jyväskylä (7), Järvenpää (6), Nurmijärvi (7), Vaasa (5), Hyvinkää (4), Tampere (4), Pirkkala (4).
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, waxaana laga helay feyruska mudadaas labada toddobaad gudahood ah 5 992, taasoo tiro gaareysa 3 842 kabadan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) Tirada dhimashada ayaa maraysaa haatan tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.
Xaaladda cudurkan safmarka ah ee korona ee dalka oo dhan ayaa meel adag maraysa, Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.
Inta kale ee soo hartay waxaa gobollada badankood ay ku jiraan heerka labaad ee karaar- qaadashada cudurkan safmarka ah.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
19 315 941 | 65 997 563 |
Tirada u dhimatay feyruska |
441 408 | 1 536 769 |
Haatann waa shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: HS,YLE,WORLOMETERS