Sabti 12.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 377 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 30 450 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 3 232 oo qof ayaa ku darsantay, tiradii labadii toddobaad ee ka sii horreysay.
Iskudarka guud illaa iyo 62 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 180 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 61 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 26 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (112), Turku (52),Vantaa (30), Espoo (22), Tampere (15), Jyväskylä (11), Hämeenlinna (11), Vaasa (9), Oulu (5), Hyvinkää (4), Valkeakoski (4), Kouvola (4), Pohjois-Savo (4), Etelä-Savo (9), Etelä-Pohjanmaa (6), Satakunta (7).
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pikanmaa, Keski-Suomi iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 240 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada daryeelka isbitaalka ku jirta ku soo kordhay 94 qof, tirada qaybta xaaladda aadka u daran waxaa toddoba maalmood gudahood ku soo kordhay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 453 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tirada dhimashada waxaa ku soo kordhay 38 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
20 957 388 | 71 536 243 |
Tirada u dhimatay feyruska |
472 520 | 1 603 501 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho : YLE,HS,WORLDOMETERS |