Axad 13.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 366 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 30 810 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 66 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka feyruska korona. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 188 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 57 qof laga helay, iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 23 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (109),Vantaa (43), Espoo (23), Turku (42), Oulu (16), Tampere (9), Naantali (6), Valkeakoski (4), Vaasa (4), Keski-Suomi (16), Päijät-Häme (12), Kanta-Häme (13), Kymenlaakso (6), Pohjois-Savo (5), Etelä-Savo (6), Pohjiis-Karjala (6)
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pikanmaa, Keski-Suomi iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 240 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada daryeelka isbitaalka ku jirta ku soo kordhay 94 qof, tirada qaybta xaaladda aadka u daran waxaa toddoba maalmood gudahood ku soo kordhay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 453 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tirada dhimashada waxaa ku soo kordhay 38 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
21 186 825 | 72 220 112 |
Tirada u dhimatay feyruska |
476 359 | 1 613 863 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho : YLE,HS,WORLDOMETERS |