Jimce 04.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 336 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 26 758 qof. Toddoba beri gudahood waxaa tiradaas ku soo korotay 2 992 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 190 qof. Waaxaha caafimaadka ee Finland ka kooban tahay, waxaa hadda xaaladda ugu daran ee faafista feyruska ku jira: Gobolka Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme iyo Pohjis-Satakunta.
Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (120), Espoo (34), Turku (27), Vantaa (20), Pieksämäki (10), Seinäjöki (7), Mikkeli (6), Kotka, Salo (4).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) 7 qof oo hor leh ayaa u dhintay feyruska korona dalkaan Finland, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.
Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.
Heerka karaar qaadashada waxaa ku jira:Satakunta, Etelä-Savo, Kainuu, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Vaasa, Varsinais-Suomi, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa.
Heerka hoose ee asaasiga ah waxaa ku jira: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
18 882 286 | 65 621 291 |
Tirada u dhimatay feyruska |
431 403 | 1 513 798 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, Worldometer