Isniin 14.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 300 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 31 110 qof.
Da’ ahaan marka la eego dadka ugu badan ee xanuunku uu ku dhacay waa kuwa da’doodu u dhaxayso 20-29 sano jir, qolada labaad ee ku soo xigtana waa kuwa da’doodu u dhexeyso 30-39 sano jir.
Iskudarka guud illaa iyo 49 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 187 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 27 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 25 qof.
Tan iyo intii xanuunkan safmarka ah uu ka bilowday Finland waxaa magaalada Helsinki laga helay iskudarka guud 9 648, Espoo 3 403 iyo Vantaa oo ah 3 269.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (110), Vantaa (41), Espoo (19), Turku (19), Tampere (17), Lahti (19), Oulu (9), Vaasa (9), Pieksämäki (6), Jyväskylä (5), Kaarina (4), Hollola (4), Kirkkonummi (3), Kerava (3), Valkeakoski (3), Kouvola (2), Varkaus (2), Lappeenranta (2).
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pirkanmaa, Keski-Suomi iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 248 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada daryeelka isbitaalka ku jirta ku soo kordhay 94 qof, tirada qaybta xaaladda aadka u daran waxaa toddoba maalmood gudahood ku soo kordhay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 461 qof, kaddib markii sida ay sheegtay maanta Hay’adda THL 8 ruux oo hor leh uu feyruska korona awgiis u dhinteen wiikendhigii la soo dhaafay.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
21 400 312 | 72 735 019 |
Tirada u dhimatay feyruska |
479 789 | 1 620 654 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada |
1 | Maraykanka | 16,7 milyan | 187 901 | 1 379 | 306 459 |
2 | Hindiya | 9,88 milyan | 27 336 | 338 | 143 393 |
3 | Baraaziil | 6,90 milyan | 21 395 | 276 | 181 419 |
4 | Ruushka | 2,65 milyan | 28 080 | 488 | 46 491 |
5 | Faransiiska | 2,37 milyan | 11 533 | 150 | 57 911 |
6 | Ingiriiska | 1,849 milyan | 18 447 | 144 | 64 170 |
7 | Talyaaniga | 1,843 milyan | 17 938 | 484 | 64 520 |
8 | Turkey | 1,83 milyan | 26 919 | 218 | 16 417 |
9 | Spain | 1,74 milyan | 280 | 47 624 | |
10 | Arjantiin | 1,49 milyan | 3 558 | 98 | 40 766 |
11 | Kolombiya | 1,42 milyan | 8 702 | 187 | 39 053 |
12 | Jarmalka | 1,33 milyan | 17 891 | 235 | 22 406 |
13 | Meksiko | 1,24 milyan | 12 507 | 685 | 113 704 |
14 | Poland | 1,13 milyan | 8 977 | 188 | 22 864 |
15 | Iiraan | 1,10 milyan | 7 451 | 247 | 52 196 |
Xigasho:YLE,HS,WORLDOMETERS