Isniin 30.11.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 283 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 24 912 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 43 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 191 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 30 qof ah, kaalinta saddexaadna waa gobolka Varsinais-Suomi oo 15 qof ah. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (96), Espoo (42), Vantaa (37), Oulu (24), Turku (13) Seinäjöki (5),Etelä-Karjala (Lappeenranta) 8 qof, Etekl-Savo (Mikkeli) 4 qof, Päijät-Hme (lahti) 4 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 175 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada bukaanka isbitaalka ku soo kordhay 23 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa Finland ku dhintay 6 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland ka dhigeysa 399 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
18 024 372 | 62 757 823 |
Tirada u dhimatay feyruska |
408 449 | 1 460 483 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: YLE, HS, WORLDMETERS:INFO