Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, Suldaan Said Ahmed oo safar shaqo oo nabadda iyo dowlad-dhiska wanaagsan la xiriira ku tegay Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni-gooni ah Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan.
H.E. President @HassanSMohamud received Finland’s Special Envoy on Peace Mediation in the Horn of Africa, Suldaan Said Ahmed, at @TheVillaSomalia. The meeting focused on advancing Somalia-Finland relations and enhancing cooperation on regional peace and security, with an emphasis… pic.twitter.com/o10nm0fD5y
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) February 1, 2025
War lagu daabacay bogga rasmiga ah ee X (Twitter) Madaxtooyada Soomaaliya- Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Nabadjire Suldaan Said Ahmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadahadleen horumarinta xiriirka Finland iyo Soomaliya, nabadda iyo ammaanka gobolka iyadoo xoogga la saarayo dadaallada dhexdhexaadinta iyo wadahadalka ku salaysan ee lagu xasilnayo Geeska Afrika.
Sidaas si lamid ah Bogga rasmiga ah ee X (Twitter) iyo Facebook ee Hawlgalka QM ee taakuleynta Soomaaliya ee ku meelgaarka ah ayaa lagu baahiyay, in James Swan Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ee Soomaaliya uu kulan mira-dhal ah la yeeshay Mudane Suldaan Said Ahmed, Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika.
Today in #Mogadishu, Acting @UN Special Representative James Swan met with Finland’s Special Envoy on Peace Mediation in the Horn of Africa @SuldaanSaid. Topics discussed included how the international community can best continue to support #Somalia’s peace- and state-building… pic.twitter.com/y9EG8tQZrw
— UNTMIS (@UNTMIS_) February 1, 2025
Labada ergay (Suldaan iyo Swan) ayaa ka wadahadlay sida ugu wanaagsan ee ay beesha caalamku u sii wadi karto taageeridda yoolalka nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Suldaan Said Ahmed, Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa socdaal shaqo ku maraya Geeska Afrika waxaana u qorshaysan in uu madaxda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, ganacsatada, culimada iyo guud ahaan dadka u dhaqdhaqaaqa nabadda ee gobolka kala hadlo xasilinta iyo nabadda baahida weyn loo qabo ee heer gobolka, heer wadan iyo heer bulsho.
Safarka uu Suldaan Said Ahmed, Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ku marayo Geeska Afrika ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed iyo kuwa deegaan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Soomaaliya dhexdeeda ayaa ka taan muran la xiriira nooca doorasho ee uu dalku qaadanayo kaddib marka uu dhammaado muddo-xileedka dowladda hadda dalka ka talisa.
Dhinaca Itoobiya ayaa waxaa ka socda kala qaybsanaan iyo colaado soo-jiitamay oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi u qabsanyahay qaar kamid ah iyo dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed.
SSMV