Doorashooyinka Golayaasha Degmooyinka iyo Gobollada Finland oo soo dhammaaday- Tiradii ugu badnayd oo Soomaali ah oo markii u horreysay galay golayaashan

Kuvituskuva vaaliuurnasta, uurna, vaalit, äänestys. Vaaliuurna-Hanne-Salonen-Eduskunta

Kaddib markii la saluugay barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda wadaagga ah ee Finland ay ku maamusho dadka soo-galootiga ah ama asal ahaan soo-galooti ah Soomaaliduna ay ku jirto ayaa waxaa billowday olole lagu dhaqaajinayo awoodda dimuquraadiga ah ee uu muwaadinku leeyahay. Dhaqaajinta awooddan oo laba dhinac kala ahayd ayaa u qaybsantay mid looga faa’iidaystay dhiirrigelinta dadka codbixiyayaasha ah iyo abaabulista dadka siyaasadda daneeya.

Soomaalida Finland ku nool oo lagu qiyaaso in ay kor u dhaafayaan 25000 ayaa kala dega gobollada dalka intiisa badan, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. Ku dhowaad deegaan kasta oo ay Soomaalidu si mug leh u degto ayaa waxaa iska soo sharraxay siyaasi u tartamaya Golaha deegaanka ama kan Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Helsinki oo kaliya ayaa waxaa ka soo baxday saddex wakiil Gole deegaan halka magaalada Vantaa, Espoo iyo Turkuna ay ka soo baxeen mudanayaal rag iyo dumar isugu jira.

Xisbiyada ay wakiilladan soo baxay ku kala jiraan ayaa dhammaantood ah kuwa ay siyaasadooddu dhanka bidix u janjeerto oo haatan mucaarad ku ah xukuumadda Finland ka talisa ee dhanka midigta jirta.

”Waa jirtaa in xilligii ololaha ay murashixiintu adeegsadeen habab kala duwan oo ay codadka ku raadinayeen, hababkaas oo qaar kamid ah aanay la jaanqaadin karin hannaanka dimuquraadiyadda Finland, haddana muhiimaddu waa in dadku codeeyeen, xuquuqdeeda garteen soona saareen wakiillo tiro ahaan iyo tayo ahaanba soo dhoweyn mudan.” Tifaftiraha Shabakadda warbaahinta Soomaalida Finland Abdi Musse Mohamud.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa marag-ma-doonta ah in haddii dadaal la muujiyo ay Soomaalidu Baarlamaanka Finland markale xildhibaan/xildhibaanno ku yeelanayaan. Waxaa horay dalka Finland Baarlamaankiisa  u galay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo kaliya, kaas oo haatan ah diblumaasi ka shaqaeeya arrimaha nabadda wuxuuna Wasiirka arrimaha dibadda Finland u yahay Ergayga gaarka ah ee dhexdhexaadinta iyo Nabadda Geeska Afrika.

Hambalyo dhammaan wakiillada guuleystay iyo kuwa aan soo bixin ee dadaalka muujiyay.

SSMV