Doorashada madaxtinimada Somaliland oo si nabad ah ku soo dhammaatay iyo xildhibaan ergay nabadeed Suldaan Said Ahmed oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Mudane Cirro

Suldaan Said Ahmed and President Cirro Credit: Suldaan Said Ahmed X

Kaddib doorasho ay ku tartameen saddex murashax oo labo kamid ah ay Finland ka soo jeedaan ayaa waxaa si hufan oo heer sare ah islamarkaana lagu laray xammaasad siyaasadeed ugu soo baxay Madaxweynaha dooran ee Somaliland Mudane Abdiraxmaan Cirro  oo ka soo jeedaa magaalada Vantaa Koonfurta Finland.

Ergeyga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa u hambalyeeyay madaxweyne Cirro iyo shacabka Somaliland oo muujiyay dimuquraadiyad tusaale u ah bulshada ku dhaqan Gobolka.

Mudane Suldaan ayaa sidoo kale madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Cirro kula hadlay khadka telefoonka una xaqiijiyay in dowladda Finland ay kala shaqaynayso nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Doorashada Somaliland ka dhacday ayaa ahayd mid si gaar ah loogala socday dalka Finland maadaama saddexda murashax ee madaxtinimada ku loolamaysa ay labo kamid ah ka soo jeedaan Finland.

Wakaaladda Wararka Finland, warbaahinta waaweyn ee dalka iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa si toos ah u soo xigtay hambalyada doorashada madaxtinimada Somaliland ee uu Mudane Suldaan u diray shacabka Somaliland iyo madaxweynahooda ay doorteen.

Suldaan ayaa dhambaalka hambalyada ah soo dhigay bartiisa X, taas oo ay wargeysyadu soo xigteen.

https://x.com/suldaansaid/status/1858761096263594150/photo/1

Hadalka Suldaan Said Ahmed ayaa ah mid ku salaysan aragtida dowladda Finland ee ku aaddan Geeska Afrika waxaana xusid mudan in  Finland ay xoogga saarto nabad ku soo dabbaalidda Geeska Afrika.

Jaraa’idyada maanta sida baahsan wax uga qoray doorashada Somaliland islamarkaana soo xigatay farriinta uu Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Mudane Suldaan soo dhigay bartiisa X ayaa waxaa kamid ahaa warbaahiyaha ILTALEHTI EURONEWS YLE ENGLISH YLE UUTISET

AAMULEHTI MTVUUTISET DEMOKRAATTI SUOMENMAA HS ILTASANOMAT

SSMV