Kaddib markii maanta la saxiixay dukumentiga rasmiga ah ee ay Finland iyo Sweden kula biirayaan Nato ayaa waxaa arrintaas ka falceliyay madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö.
Niinistö ayaa sheegay, in habsami-socodka xubin ka noqashada Nato ee Finland uu dhanka horumarka u dhaqaaqay.
Pekka Haavisto, wasiirka arrimaha dibadda Finland oo madasha saxiixa ka hadlay ayaa sheegay, in maanta ay tahay maalin weyn oo mudan in taariikhda lagu qoro.

Saxiixa dukumentigan ayaa Finland ka dhigaya tan iyo inta 30:ka dal ee Nato xubnaha ka ah ay ka ansixinayaan xubinnimada Finland ee Nato, dal korjooge ka ah kulamada guud ee Gaashaan-buurta Nato.
Bogga Twitterka ee Wakiilka Finland u fadhiya Nato ayaa saxiixa kaddib lagu qoray mahadnaq loo jeediyay xulufada Nato ee maanta suuraggelisay in dukumentiga ku biirista Nato la saxiio.
One more important step forward. ⁰
Today, #NATO Allies signed the Accession Protocols for 🇫🇮 and 🇸🇪. We want to extend a sincere thank you to all Allies.
The next step on the road towards membership is the ratification process in all national parliaments.
#FinlandNATO pic.twitter.com/lUHKBPkncy— Finland at NATO (@FinMissionNATO) July 5, 2022
Finland oo xuduud dheer la leh Ruushka ayaa u bareertay islamarkaasna u diyaargarowday falcelinta aan la filan karin nooca ay noqon doonto ee Ruushka kaga imaan karta.
Isha warka: Warbaahinta Reer Galbeedka/MTVuutiset