Kaddib shirar iyo wadatashiyo dhinacyo badan quseeya oo ay xukuumadda Finland muddo ku jirtay ayeey ku dhowaadqday go’aanno uu ku jiro wakhtiga la doonayo in uu shaqeeyo baasaboorka Finland.
Baasaboorka oo hadda shaqayanaya shan (5) sano ayaa sharci ahaan ku salaysan sharci la dhaqangeliyay sannadkii 2006.
Wakhtigaas kahor wuxuu baasaboorku shaqaynayay 10 sano.
Sida ku cad go’aanka xukuumadda, baasaboorka Finland ayaa shaqayn doona toban (10) sano oo xiriir ah. Go’aanka ayaa daba-socd soojeedinta ay guddiyada baarlamaanka ee xisbiyadu xukuumaddu u soo gudbiyeen dowladda sannadkii tegay ee 2024, kaas oo ay ku dalbadeen in wakhtiga uu baasaboorku shaqaynayo la kordhiyo oo 10 sano laga dhigo.
Tallaabadan ayuu shacabku soo dhoweeyay iyagoo ka eegayaa dhanka dhaqaalaha iyo wakhtiga labadaba.