HAREGISA- Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo ku gudajira booqashadiisa gobolka ayaa magaalada Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Somaliland H.E. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Honored to have met the new president of Somaliland H.E. @Abdirahmanirro and his government ministers. It was a pleasure to discuss ways to promote peace and stabilty in the region as one of their key priorities. Oli kiva tavata! pic.twitter.com/kC5PmPkBZ3
— Suldaan Said Ahmed (@suldaansaid) February 4, 2025
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubno ka tirsan Golaha wasiiradda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay horumarinta nabadda iyo xasiloonida Gobolka oo muhiimad gaar ah u leh guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka.
Diblumaasi, nabadjire Suldaan ayaa dhanka kale Hargeysa kulan miradhalay kula yeeshay Golaha Nabadda Somaliland ee dhowaan la aasaasay waxayna isla qaadaa-dhigeen waadiiqooyinka loo mari karo xasiloonidda iyo nabadda.
Ergayga nabadda ayaa sidoo kale sheegay, in si loo gaaro xal waara loo baahanyahay qaadista tallaabooyin ay ugu horreeyaan: isdhaafsiga dadka colaadaha lagu kala qabsaday si dib loogu dhiso kalsoonidii dadka u dhexeysay, dib u furista jidadka halbowlaha u ah ganacsiga si dhaqaalaha sare loogu qaado iyo xiriirka bulshada oo la xoojiyo iyadoo loo sii marayo wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.
Met with #Somaliland’s new Peace Council today to discuss pathways to stability. Lasting solutions start with exchanging detainees to rebuild trust, reopening trade corridors to revive the economy, and strengthening community bonds through dialogue. Grateful for their commitment! pic.twitter.com/b3tSu4zf5h
— Suldaan Said Ahmed (@suldaansaid) February 5, 2025
Suldaan Said Ahmed ayaa weli ku gudajira socdaal nabadeed oo uu ku marayo gobolka Geeska Afrika wuxuuna safarkiisu daaranyahay nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Madaxweyne Cirro oo dhowaan la wareegay talada Somaliland ayaa la filayaa in uu nabadda, xasiloonida iyo guud ahaan wada-noolaashaha bulshada geeska gacan ka ka geysto.
SSMV