Helsinki- Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Golaha deegaanka ee looga arrimiyo caasimadda Finland ee Helsinki oo bayaan uu soo saaray ku qoray barihiisa rasmiga ah ee warbaahinta bulshada ayaa ku sheegay in uu aanu isu soo sharraxayn doorashada Golaha deegaanka Helsinki ee dhacaysa bisha Abriil ee sannadkan 2025.
Suldaan ayaa si mug leg ugu mahadceliyay dhammaan dadkii codkooda ku aaminay ee u doortay in uu ku metelo Golaha deegaanka magaalada Helsinki tan iyo sannadkii 2017.
Waxaa kale oo uu mudanuhu carrabka ku adkeeyay sida uu ugu faraxsanyahay hindisayaashii iyo isbeddelladdii lagu hagaajinayay hawlaha magaalada Helsinki ee doorka weyn ku lahaa, sida:
- Horumarinta habraaca shaqaalaysiinta Helsinki
- Xoojinta dalabyada anshaxa ku salaysan ee mashaariicda
- Kahortagga dhibista ama kadeedista
- Hagaajinta nabadgelyada magaalada iyo weliba
- Horumarinta nololwanaaga iyo sinnaanta dhallinyarada
Suldaan oo weli hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in inkastoo uu Baarlamaanka Finland galay iyadoo weli lagu guda-jiro muddo-xileedka Golaha deegaanka, ay haddana shaqadiisa Golaha deegaanku si hufan ugu sii socotay.
Ugu dambeyn wuxuu Suldaan sheegay, in uu si xilkasnimo ah u dhammaysanayo inta ka hartay muddo-xileedka Golaha deegaanka ee uu hadda u dooranyahay haya.
Hawsha la xiriirta horumarinta nabadda iyo wadahadallada ee uu wasiirka arrimaha dibadda Finland uga yahay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan ayuu sheegay Suldaan in ay wakhti badan geliyay. Wuxuu sidoo kale sheegay in hawsha nabaddoonimada ee deegaannada ay ka jiraan khillaafyada iyo xasaraduhu u baahantahay goob-joognimo badan iyo socdaal.
”Waxaan sii wadaya hawsha ergayga gaarka ah ee nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ee aan u hayo wasiirka arrimaha dibadda Finland Elina Valtonen inta lagu jiro muddo-xileedka xukuumadda Ra’iisal wasaare Orpo.” Suldaan Said Ahmed.
Guntii iyo gebagebadii, wuxuu sababta aanu isugu soo sharraxayn doorashada Golaha deegaanka magaalada Helsinki ee sannadkan 2025 ku soo koobay arrimo qoys oo u gaar ah iyo hawsha baaxadda leh ee dhexdhexaadinta Nabadda ee hortaal.
Isha warka: Bayaanka bogagga warbaahinta bulshada ee Suldaan Said Ahmed
Xuquuqda sawirka: Outi Järvinen